Muxuu Mikel Arteta Ka Yidhi Bar-barihii Ay Kooxdiisu La Gashay Southampton.

0
98

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha kooxda Arsenal mikel Arteta ayaa ka hadlay bar- barihii ay kooxdiisu la gashay Southampton kulan ka tirsanaa premier league.

Arsenal ayaa kulankii 3-aad oo xidhiidh ah bar-baro gashay iyaga oo ka sii fogaanaya ku guulaysiga horyaalka premier league.

Mikel Arteta oo bbc sport la hadlay ciyaata kadib ayaa yidhi”sida iska cad kuma faraxsanin natiijada kulanka,mar kale ayaan xaalada isku adkqynay laakiin khaladaadku waa qayb ka mid ah kubada cagta”.

“laakiin sida aan uga falcelinay waan jeclahay ciyaartoydeyda”.

“Waa wax cajiib ah, waxa aan ku jirnay weerar laakiin gool xun ayaa nalaga dhaliyay, mar kale ayaa nalaga dhaliyay gool aan fiicnayn laakiin ugu dambayntii waan badin karnay ciyaata, waxaan abuurnay fursado iyo fursado nagu filan laakiin ma aysan dhicin, waana niyad jabnay”.

“Saddex gool lagama dhalin karo horyaalkaan, hadii seddex gool lagaaga dhaliyo sidan oo kale aad ayay u adagtahay inaad badiso kulamada”.

“Kooxdan da’da yar waxay u falceliyaan hab aan la rumaysan karin, marka ay ku jiraan xaalad adag fursadaha ay abuureen iyo ruuxa ay haysteen waxay ahayd farxad in la daawado, fariinta ayaa cad in aan jeclahay iaga”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here