Xayawaan sun badan oo 24 indhood leh oo laga helay Bada

0
91

Saynis yahanadu waxa ay sheegeen in noole badeed leh 24 indhood laga helay balli dhoobo ah, taas oo la sheegay in sida la rumaysan yahay uu xubin ka yahay nooc cusub oo ka mid ah bah-kalluunka lagu magacaabo jellyfish oo aad u badan.

Nooc cusub ee ka tirsan bahda kalluunka jellyfish , ayaa la sheegay inuu leeyahay jidh hufan oo dhererkiisu ka yar yahay hal inji iyo saddex teendho dheer oo gaadhaya ilaa 10 sentimitir, kaas oo ku sugnaa balli ku yaal Po Reserve, Hong Kong.

Makhluuqan ayaa sidoo kale leh 24 indhood, oo si siman u qaybsan, kuwaas oo ku yaala gudaha xubnihiisa dareenka, oo loo yaqaan “rhopaliums”.

Bahda jellyfish ayaa ka yimi magacbixin ku aaddan qaabka jidhkooda, waxayna leeyihiin dabo dhuuban oo dheer, halkaas oo ay ka soo daayaan sun xooggan oo sababi karta curyaamid, wadne istaag iyo xataa dhimasho dhowr daqiiqo gudahood ah.

Waxaana bahdan loo aqoonsan yahay in ay yihiin xayawaan badeedyada dunida kuwa ugu suntan badan.

Koox saynisyahano ah oo ay hoggaaminayaan baadhayaasha Jaamacadda Baptist ee Hong Kong ayaa kormeerayey bahdan kalluunka ee jellyfish muddo saddex sano ah, iyaga oo ogaaday in iyaga oo tiro badan ay ku jiraan oo kasoo muuqanayaan barkadaha lagu kaydiyo nooca kalluun ee argoosatada loo yaqaan ee Mai Po Nature Reserve

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here