Madaxweynaha KG Oo Munaasabada Ciidul Fitriga ugu Hambalyeeyay Shacabka Soomaliyeed

0
119
Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Madaxweynaha Dowlada Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed Laftagareen, ayaa Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan u diray Hambalyada Ciidul Fidriga, isaggoo Sanadkaan kiisa xigga u rajeeyey inay ku gaaraan Caafimaad iyo Nabad buuxda
“Waxaan allah ka baryaya inuu naga aqbalo Acmaashii aan gudanay gaar ahaan intii lagu guda jiray bisha barakaysneed ee Ramadaan, munaasabadaan barakaysan ee Fidriga waxaan ku boorinaynaa Ummadda Soomaaliyeed gaar ahaan Bulshada Koonfur Galbeed inay gacan ka geystaan farxad galinta shacabkeena tabaaleysan”
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ugu baaqay shacabka Koonfur Galbeed in lagama maarmaan ay tahay in laga wada shaqeeyo ammaanka, ilaalinta midnimada iyo wadajirkeena,kuwaas oo dhamaantood udub dhexaad u ah waajibaadka ay nafarayso Diinteena suuban ee Islaamka.
Ugu danbeyn Madaxweyne Laftagareen ayaa Eebe ka bariyey inuu Ciidan Ciideeda nagu gaarsiiyo dalkeena oo nabad ah oo barwaaqo ah, kuna siitilaabsano horumar balaaran oo baaxad leh.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here