HORDHAC: Chelsea v Brighton

0
230

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Frank Lampard oo doonaya guushiisii koowaad ee tan iyo kusoo laabashadiisii Chelsea ayaa maanta Stamford Bridge kusoo dhawaynaya kooxda tartamada Yurub hungurigu kaga jiro ee Brighton.

Seagulls ayaa 7 dhibcood lagaga hayaa booska shanaad balse laba kulan baaqi u yihiin marka lala barbardhigo kooxda halkaas joogta ee Tottenham.

Wararka Labada Kooxood

Daafaca dhexe ee Chelsea ee Kaldiou Koulibaly ayaa ku biiray liiska dhaawacyada kooxdaas oo ay hore uga maqnaayeen Broja iyo Carney Chukwuemeka.

Fofana iyo Badiashile ayaa daafaca dhexe kusoo wada bilaaban kara haddii la nasiyo Thiago Silva, sidoo kale Mason Mount ayaa khadka dhexe ka bedeli kara N’Golo Kante oo wali wakhtigiisa la xakamaynayo kaddib mudo uu dhaawac ku maqnaa.

Sterling iyo Felix oo ku ceeboobay kulankii Champions League ee Real Madrid ayaa markale weerarka Blues kala dheeli kara Kai Havertz.

Levi Colwill ayaan la safri doonin Brighton kulankan maadaama oo uusan kahor tagi karin kooxda uu amaahda kaga yimid ee Chelsea.

Seagulls waxa dhaawacyo kala duwan ka qaba xiddigaha kala ah Tariq Lamptey, Adam Lallana, Jakub Moder iyo Jeremy Sarmiento.

Shaxaha Macquulka Ah

Chelsea (4-3-3): Mendy; James, Wesley Fofana, Badiashile, Chilwell; Mount, Fernandez, Kovacic; Sterling, Havertz, Felix

Brighton (4-2-3-1): Steele; Veltman, Dunk, Webster, Estupinan; Gross, Caicedo; March, Mac Allister, Mitoma; Ferguson

Xogaha Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: Stamford Bridge

Wakhtiga: 5:00 galabnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Robert Jones

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here