Haweeney waayeel ah oo xabsi loo dhigay arrin aan laga fileyn oo ay sameysay

0
102

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Booliska Missouri ee dalka Mareykanka ayaa sheegay haweeney 78 jir oo horay loogu soo oogay laba dacwadood oo la xiriira tuugnimo, mar seddexaad loo xiray dhac kale oo ay bangi u geystay.

Haweeneyda ay booliska xireen oo lagu magacaabo Bonnie Gooch waxaa lagu soo eedeeyey iney gashay xarunta bangiga Goppert kaddibna ay gudbisay warqad ay ku dalbaneyso in la siiyo kumannaan kun oo doolar oo caddaan ah.

Waxaa kale oo shaqaalaha bangiga ee lacagta siiyey ay uga tagtay warqad ay ku qoran tahay “Mahadsanid iga raalli ahaaw ujeedkeygu ma ahayn inaa ku cabsi geliyo” ka hor inta aysan gaarigeedi la aadin lacagta caddaanka ee ay bangiga ka soo dhacday

Gooch oo haatan xabsi ku jirtaa waxaa loo haystaa iney bangiga ka dhacday lacag dhan $25,000 oo dollar.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here