Hordhac: Real Madrid Vs Chelsea:

0
246

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Real Madrid ayaa marti galin doonta chelsea kulan ka tirsan lugta 1-aad ee wareega 8 dhamaadka tartanka champions League.

Los Blancos ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo doonaya in ay talaabo u qaadaan wareega xiga isla markaas natiijo fiican kala baxaan kulanka.

Dhinaca kale chelsea ayaa kulanka u soo galaysa sidii ay u garaaci lahaayeen Real Madrid ka hor kulanka ay aadayaan garoonkooda.

Kulanka Real Madrid Vs Chelsea

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Bernabue

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Real Madrid iyo chelsea ayaa iska hor yimid kulamada bug baxa xilli ciyaareedkii 3-aad oo xidhiidh ah iyada oo chelsea badisay sanadkii 2020/2021 ka hor inta ayna Real Madrid isla wareegaas tartanka xilli ciyaareedkii hore.

Chelsea ayaa kaliya laga badiyay hal kulan 7-dii kulan ee ay la ciyaartay Real Madrid tartanka champions League, iyada ayaana ah kooxda haysta cel-celis ahaan rikoodhka ugu yara ee guuldarooyinka Real Madrid.

Real Madrid ayaa u gudubtay wareega xiga 9-kii kulan ee labada lugood ahaa ee ay ka hor tagtay kooxaha premier League uguna dambeeyeen kooxaha chelsea, Liverpool iyo Man City.

Chelsea kaliya hal kulan ayaa laga badiyay sagaalkii kulan ee ugu dambeeyay ee UEFA Champions League ay marti u ahaayeen kooxaha reer Spain iyada oo aan laga badin 3-dii kulan ee ugu dambeeyay ee ay booqatay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here