Hordhaca: Wolves Vs Chelsea

0
144

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Chelsea ayaa kulankaan galeysaa iyadoo mar kale dib ula midoowday macalinkoodii hore ee Lampard kaasi oo la filayo in uu u yeeri doono saaixbkiisa Mount kaasi oo aan ciyaarin tan 26-kii bishii labaad ee sanadkaan

Dhammaan seddexdii guulood ee Wolves ee Premier League ee ay ka badisay Chelsea waxa ay ka dhaceen Molineux. Frank Lampard ayaa u ciyaaray Blues guuldaradii 1-0 ahayd ee January 2011 wuxuuna ahaa maamulaha guuldaradii 2-1 ee December 2020.

Wolves ayaan wax guul ah gaarin afar kulan Premier League oo a la ciyaartay Chelsea  tan iyo markii ay 2-1 kaga badiyeen Molineux bishii Diseembar 2020 (3 barbaro iyo 1 guuldarro ah).

Wolves ayaa badisay kaliya hal kulan iyadoo ay aruursatay  shan dhibcood todobadii kulan ee ugu dambeeyay horyaalka.

Adama Traore ayaa qarka u saaran inuu noqdo ciyaaryahankii afaraad ee 150 kulan u saftay Premier League kooxda Wolves, isagoo oo bar bareynaya Joao Moutinho, Ruben Neves iyo Conor Coady.

Lampard wax auu horay Chelsea u maalay 18 bilood  Waxa uu ku hogaamiyay inay ku dhameystaan ​​kaalinta afaraad ee Premier League iyo guuldaradii finalka FA Cup ee Arsenal

Lampard ayaa laga badiyay 39 kulan oo Premier League ah isagoo tababare ah, labo ayaa ka badan inta uu badiyay.

Blues ayaa badisay kaliya afar ka mid ah 20-kii kulan ee ugu dambeeyay Premier League (8 bar-baro iyo 8 guuldaro).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here