Chelsea & Liverpool Oo Bar-Baro Ku Heshiiyay Kulan Ka Dhacay Stamford Bridge.

0
141

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxaha chelsea iyo Liverpool ayaa ku kala baxay bar-baro niyad jab leh kulan ka dhacay Stamford Bridge kana tirsanaa horyaalka premier League.

Kulanka ayaa ahaa mid ay chelsea fiicantahay ama ahayd koxoda doonaysay in ay dhaliso goolka inta badan ee ciyaarta.

Liverpool ayaa kaliya ku fiicnayd kubad haysashada iyaga oo aan wax fursado ah samayn ama aan qaadin weeraro wax ku ool ah.

Chelsea ayaa dhalisay gool daqiiqadii 25-aad waxana u dhaliyay xiddiga Reece James laakiin goolkaas ayaa la diiday sabab la xidhiidha Offside uu ku jiray xiddig chelsea ah.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybta hore ee ciyaarta oo ay chelsea ahayd kooxda sida dhabta ah u doonaysa in ay dhaliso gool xilli ay Liverpool ku dhibaatoonayso ciyaarta.

Qaybta dambe ayay labada kooxood ku bilowdeen si ka fiican sidii hore iyaga oo mid walba doonaysay in ay dhaliso goolala.

Liverpool ayaa qaybtii dambe ahayd mid soo fiicnaatay iyaga oo dhawr mar halis galiyay kooxda kooxda chelsea.

Laakiin daqiiqadii 51-aad ayay Chelsea mar kale dhalisay gool waxana u dhaliyay xiddiga Kai Havertz kaas oo ciyaarta ka dhigay 1/0.

Si kasta ha ahaatee VAR ayaa mar kale chelsea ka diiday goolka maadama uu gacanta ku taabtay markii uu goolka dhalinayay.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay labada kooxood bar-baro ku kala bexeen laakiin VAR laba jeer bad-baadisay kooxda Liverpool.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here