HORDHAC: Newcastle v Man United

0
177

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Man United ayaa booqanaysa dhigeeda Newcastle United xilli hammiga labada kooxoodba yahay inay xilli ciyaareedka dambe Champions League ka ciyaaraan.

Magpies ayaa doonaya aargoosiga Finalkii Carabao Cup ee ay Red Devils kaga guuleysteen xilli ciyaareedkan halka sidoo kale ay ka warqabaan in guul ay gaadhaan ay booska saddexaad Manchester farqiga goolasha kaga qaban doonaan.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor 

Newcastle waxa u diyaar ah Nick Pope, Allan Saint-Maximin iyo Sven Botman oo dhammaantood dhaawacyo fudud qabay sidoo kale Joelinton ayaa ganaax uga soo laabtay.

Magpies waxa dhaawac mudo kaga maqnaan doona Almiron, si lamid ah Emil Krafth iyo Ryan Fraser halka tababare Eddie Howe ka werwersan yahay taam ahaanshaha Anthony Gordon.

Man United waxa ganaax ku maqnaanaya Casemiro oo afar kulan garoomada loo diiday halka ay dhaawacyo ku seegayaan kulankan Alejandro Garnacho iyo Van De Beek.

Erik Ten Hag ayaa dib u helaya Eriksen iyo Martial balse lama filayo inuu midkoodna kusoo bilawdo shaxda asaasiga ah.

Shaxaha Macquulka Ah

Newcastle (4-3-3): Pope; Trippier, Schar, Botman, Burn; Longstaff, Guimaraes, Willock; Saint-Maximin, Isak, Joelinton

Man United (4-2-3-1): de Gea; Wan-Bissaka, Varane, Martinez, Shaw; Sabitzer, McTominay; Antony, Bruno Fernandes, Rashford; Weghorst

Xogta Kulanka

Tartanka: Premier League

Garoonka: St James’ Park

Wakhtiga: 6:30 fiidnimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Stuart Atwell

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here