Hordhac: Man United Vs West Ham

0
140

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Man United ayaa marti galinaysa kooxda West Ham kulan ka tirsan FA Cup-ka kana dhici doona Old Trafford.

Man United ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo ku guulaystay koobkii ugu horeeyay waxana ay doonayaan in ay sii wadaan wacdaraha ay dhigayaan.

Dhinaca kale West Ham oo ku jirta xilli ciyaareed adag dhinaca premier League ayaa doonaysa in ay meel fiican ka gaadho tartanka FA Cup-ka.

Kulanka: Man United Vs West Ham

Tartanka: FA Cup

Wakhtiga: 10:45

Garoonka: Old Trafford

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

West Ham ma aysan dhalin wax ka badan hal mar mid ka mid ah 37-dii booqashadooda Old Trafford tan iyo markii ay 3-2 ku badiyeen August 1986.

Kani wuxuu noqon doonaa kulankii 12-aad ee FA Cup-ka ee u dhexeeya Manchester United iyo West Ham, waana markii ugu horeysay tan iyo wareegii shanaad ee 2020-21, Red Devils ayaa ku badisay 1-0.

West ayaa laga badiyay afartii kulan ee ugu dambeysay ee u dhaxeeyay kooxaha, waxaana ugu dambeysay inay badiyaan bishii January 2001 markaas oo ay 1/0 kaga badiyeen Man United iyaga oo jooga Old Trafford iyagoo uga mahadcelinaya gool uu dhaliyay Paolo Di Canio.

West Ham United ayaa badisay mid ka mid ah 20-kii kulan ee ugu dambeeyay oo ay banaanka ku wajahdo Manchester United tartamada oo dhan (4-bar-baro iyo 15 guuldarro),waxa ay 1-0 kaga badiyeen League Cup bishii Sebtembar 2021.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here