Erik Ten Hag Oo Xaqiijiyay 3 Xiddig Oo Dhaawac Ku Seegi Doona Kulanka Leeds.

0
142

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Tababaraha Kooxda Man United ee Erik Ten Hag ayaa ka warbixiyay kooxdiisa ka hor kulanka leeds ee horyaalka premier League.

Man United ayaa la ciyaari doonta kooxda Leeds kulan ka tirsan horyaalka premier League oo baaqi u ahayd Labada kooxood.

Erik Ten Hag ayaa xaqiijiyay in 3 ka mid ah xiddigaha kooxdiisu seegi doonaan kulanka sabab la xidhiidha dhaawac halka uu Casemiro ganaax ku seegayo kulanka.

Xiddigaha Martial, McTominay & Antony ayaa dhamaan seegaya kulanka Leeds ee Horyaalka Prmeier League sababo la xidhiidha dhaawac soo gaadhay labada xiddig.

Warkan ayaa dhibaaxo ku ah Man United marka la eego in ay kooxdu haatanba tahay kuwo aad u yar sabab la xidhiidha in ayna saxiixyo badan samayn suuqii January.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here