Sacuudiga oo wada fasaxay Xujeyda Caalamka

0
103

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa Isniintii ku dhawaaqday, in xajka sannadkaan uu noqon doono sida kuwi ka horreeyay inta aanu billaaban cudurka COVID-19, taasoo ka dhigan in aanan la xadeyn doonin tirada dadka raba in ay soo xajiyaan.
Wasiirka Xajka iyo Cumarada Sacuudiga Towfiiq bin Fawzan al-Rabicah ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqay in la qaaday xayiraadii xajka.

in ka badan 2 milyan iyo 4 boqol oo kun oo qof ayaa sannadkii 2019-kii tagay xajka, hase yeeshee sababo la xiriira faafista cudurka COVID-19 dartiis ayaa sannadkii 2020-kii ayaa waxaa xajiyay kaliyah 1,000 xujaay oo ku nool Sacuudiga.

Sannadki 2021, boqortooyada ayaa ku xadeysay dadka soo xajiyay 60,000 oo isugu jiray muwaadiniinta Sacuudiga iyo ajnabiga degan Sacuudiga, halka sannadkii hore ay xajiyeen ilaa 1 milyan oo qof.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here