Wiil dib jir ahaa oo si lama filaan ah ku noqday milyaneer

0
114

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Markii Shahzeb uu gaaray da’da wax barashada, nasiib darro waxa uu ahaa mid ku nool nolol dib jirnimo ah wuxuuna ku ag wareegi jiray meel goob la siyaarto ah oo ku taal magaalada Peranclear ee gobolka Uttarakhand ee dalka Hindiya.

Balse waqtiga ayaa kasoo gubdbay waxaana ifay nasiib iyo ayaan, sidaasna Shahzeb kii il darnaa ee cundatada dadka ay keenaan goobta la siyaarto ku noolaa ayaa noqday mid dhaxla malaayiin lacag ah.

Tani waa sheeko dhab ah oo ku saabsan wiilkan yar ee lagu magacaabo Shahzeb balse waxay u egtahay sida sheekooyinka filimada oo kale.

Shazeb markuu siddeed jir ahaa, noloshiisu way wacnayd. jacayll iyo kalgacal baa ka buuxay. Wuxuu kula noolaa waalidkiisa tuulada Pandoli ee degmada Saharanpur ee gobolka UttarPradesh.

Sannadkii 2019-kii, Shahzeb hooyadiis Imrana Begum ayey isku dhaceen ninkeeda Mohammad Naveed, ka dibna waxay kaxaysatay wiilkeeda Shahzeb iyadoo u guurtay guriga waalidkeed oo ku yaal magaalada Yamuna Nagar, oo ka tirsan gobolka Haryana.

Shahzeb aabihiis wuxuu ahaa mid naafo ah tan iyo sanadkii 2015. Marka ay xaaskiisa guriga ka tagaysay iyada iyo wiilkeeda wuxuu ahaa mid sariirta saaran wayna xanuujisay bixitaankeedu balse wuu ku guul daraystay inuu celiyo.

Intii ay baxday ka dib Naveed wuxuu isku dayey inuu soo celiyo xaaskiisa iyo wiilka balse way ka diidday, maalmo ka dibna waxayba badashey lambarkii ay wadatay.

Maalmo, bilo iyo sannado ayaa kasoo wareegay. Dhanka kale, Imrana waxay sidoo kale ka tagtay guriga waalidkeed waxayna aadeen iyada iyo wiilkeeda tuulada Piran Clear oo hoos tagta degmada Haridwar ee gobolka Uttarakhand.

Halkan ayey qol kiro uga heshay kun iyo shan boqol oo rubi. Waxay ku noolaayeen ayada iyo wiilkeedu waxa ay ka helaan Goobta la siyaarto oo ay xaaqi jirtay.

Muddo ka dib Shahzeb hooyadii waxay u geeriyootay fayraska Covid19 wuxuuna noqday mid kaligii ah.

Shahzeb oo markan ku fadhiya kuraasta qolka fadhiga ee aabihiis ayaa sheegaya in saacadihii u dambeeyay ee geerida hooyadii uu la joogay.

Wuxuu Shazeb sheegay inuu aad u ooyi jiray. Marka ay gaajo qabato wuxuu cuni jiray conta la keeno goobta Goobta la siyaarto ee uu ku noolaa. Balse mararka wuxuu seexan jiray isagoo gaajaysan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here