Xulka France Oo Bar-Bareeyay Rikoodh Ay Dhigeen Xulalka Italy & Brazil.

0
184

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xulka qaranka France ayaa markii 2-aad oo xidhiidh ah iska xaadiriyay Final-ka koobka adduunka kadib markii ay dhaafeen xulka Morocco.

Xulka France ayaa difaacan doona koobka adduunka kaas oo ay ku guulaysteen sanadkii 2018 kana qaadeen xulka Croatia.

France ayaa sanadkan ka hor tagi doona xulka Argentina kulankoodii 2-aad ee Final ah ee koobka adduunka marka ay ciyaaraan Axada dambe

Xulka France ayaa noqday xulkii 3-aad ee taariikhda koobka adduunka laba jeer oo xidhiidh ah iska xaadiriya koobka adduunka.

Xulalka Brazil iyo Italy ayaa aha labadii hore ee horay u sameeyay rikoodhkan kadib markii ay horay isaga xaadiriyeen laba jeer oo xidhiidh ah final-ka koobka adduunka.

Xulka Italy ayaa sanadihii 1934 iyo 1938 iska xaadiriyay koobka adduunka laba sno oo xidhiidh ah isla markaas noqday xulkii ugu horeeyay ee sidaas sameeyay

Xulka Brazil ayaa sanadihii 1958 iyo 1962 iska xaadiriyay Final-ka koobka adduunka isla markaas noqday xulkii 2-aad ee laba sano oo xidhiidh ah iska xaadiriyay final-ka koobka adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here