Bill Gates oo $7 bilyan ugu yaboohay qaaradda Afrika.

0
152

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Hay’adda Bill Gates Foundation ayaa sheegtay inay 7 bilyan oo dollar ugu yaboohayso Afrika afarta sano ee soo socota, iyadoo Bill Gates uu ka digay in qalalaasaha Ukraine uu hoos u dhigayo xaddiga mucaawinada soo gaari jirtay qaaradda Afrika.

Ballan-qaadka Bill Gates, oo 40% ku kordhiyay lacagtii uu bixiyay afartii sano ee la soo dhaafay, ayaa lagu fulin doonaa mashaariic wax ka qabta gaajada, cudurrada, iyo fakhriga.
Nigeria oo ah dalka ugu dadka badan Afrika ayaa yeelan doona saamiga ugu badan.

Ururada gargaarka bini’aadantinimo ee Afrika ayaa la halgamaya dhaqaalaha loo weeciyay Ukraine, iyadoo duullaanka Ruushka uu sare u qaaday qiimaha badeecadaha caalamka, taasoo saameyn ku yeelatay howlaha gargaarka.

Kenya iyo inta badan bariga Afrika ayaa waxaa ka taagan abaartii ugu darneyd muddo afartan sano ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here