Warbixin Ku Saabsan Maalinta Sonkorowga Adduunka Oo Maanta Dunida Laga xusayo

0
185

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Caalamka, qiyaastii 422 milyan oo qaangaar ah ayaa la nool cudurka macaanka 2014, marka la barbar dhigo 108 milyan 1980. Baaxadda adduunka ee cudurka macaanku wuxuu ku dhawaad labanlaabmay tan iyo 1980, isagoo ka kacay 4.7% ilaa 8.5% dadka waaweyn. Tani waxay ka tarjumaysaa korodhka arrimaha khatarta ah ee la xiriira sida miisaanka oo kordha ama cayil.

Tobankii sano ee la soo dhaafay, faafitaanka cudurka macaanka ayaa si degdeg ah ugu kacay wadamada dhaqaalahoodu hooseeyo iyo kuwa dhexdhexaadka ah marka loo eego wadamada dakhligoodu sarreeyo.

Sannadkii 2007dii Golaha Guud waxa uu ansixiyay qaraar 61/225 oo 14ka Noofambar u asteeyay in ay noqoto Maalinta Sonkorowga Adduunka. Dukumeentigu wuxuu aqoonsan yahay “baahida degdega ah ee lagu raadinayo dadaallada dhinacyo badan leh si kor loogu qaado loona wanaajiyo caafimaadka aadanaha, loona bixiyo helitaanka daaweynta iyo waxbarashada daryeelka caafimaadka.”

Warkung Waliba nig haayte Mariing Mallyng Abshir

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here