Suuqa Kala iibsiga ciyaartoyda Degmada Baydhabo Oo Furmay

0
178

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Labo Sano Iyo bilooyin kadib garoonka kubadda cagta Degmada Baydhabo Dr, Ayuub oo dhismo dib U casriyeen ah ka socdo ayaa Bishaan November lagu wadaa in dib ugu bilowdaan ciyaaraha kooxaha ka dhisan Degmada Baydhabo.

Xafiiska guddiga isboortiska Degmada Baydhabo ayaa markiiba ka bilowday mashquul Ku saabsan diyaar garowga ciyaaraha Iyo dib U cusbooneysiinta heshiisyada ciyaartoyda kooxaha.

Baydhabo Cup oo ah midka ugu xiisaha badan Degmada Baydhabo oo muddadaasi hakadka Ku jiray hadda dib U bilaawashadiisa ka dhigeysa in ciyaartoyda Iyo kuwa taageera kooxaha Degmada Baydhabo xiiso galinaya in mudo kadib garoonka ay Ku arkaan ciyaarihii Iyo garoon ka duwan kii hore madaama garoonka dhismihiisa Laga dhigey rooga cagaaran.

Warkung Waliba nig haaye Siid Ali Muuse Ateera

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here