Dowladda Canada oo soo bandhigtay fursado shaqo oo ay ka faa’ideysan doonaan 1.4 Milyan oo shaqaale ah.

0
171

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Wasiirka socdaalka ee dalka Canada Sean Fraser.ayaa shaaca ka qaaday in dalka Canada looga baahan yahay shaqaale dheeraad ah.

Mashruucan shaqo abuurka ee ay daah furtay dowladda Canada ayaa waxaa ka faa’ideysan doona 1.4 milyan kaasoo socon doona saddexda sano ee soo socota.

Dadka shaqo abuurka ka faa’ideysan doono ayaa looga baahan yahay inay lee yihiin Xirfadaha Caafimaad, barnaamijka komputarada ee software iyo Hoteelada.

Ma ahan markii ugu horeysay ee Canada ay furto xuduudaheeda si ay u soo jiidato soo galooti badan, balse waa markii ugu horeysay oo tiro intan dhan ay u baahato.

“Dadka Canada waxay fahmeen baahida loo qabo in dadkooda ay kordhaan,” waxaa sidaasi xafladdii furitaanka mashruuca cusub ka sheegay wasiirka socdaalka Sean Fraser.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here