Kooxda Roma oo Juventus kula soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Memphis Depay

0
158

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda kubadda cagta AS Roma ee ka dhisan dalka Talyaaniga ayaa Juventus kula soo biirtay tartanka loogu jiro saxiixa Weeraryahanka Barcelona ee Memphis Depay sida wararku ay sheegayaan.

Weeraryahanka reer Holland ayaa kooxda reer Catalonia ku soo biiray xagaagii 2021, waxaana uu ku yimid qaab bilaash ah markii uu dhammaaday heshiiskii uu kula jiray Naadiga Lyon.

13 gool ayuu u dhaliyey 38 kulan oo uu u saftay Kooxda Barcelona xilli ciyaareedkii hore, laakiin waxa uu hoos uga dhacay xulashada safka hore ee garoonka Camp Nou, waxaana uu ka dambeeyaa ciyaartoyda weerarka sida Ousmane Dembele, Ferran Torres iyo Ansu Fati.

Depay ayaa si weyn loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Juventus intii lagu jiray suuqii xagaagan, iyadoo kooxda reer Catalan aysan sii daynin.

Yeelkeede, sida uu haatan warinayo Wargeyska ka soo baxa Talyaaniga ee Calciomercato, kooxda uu hoggaamiyo Macallin Jose Mourinho ayaa hadda tartanka Depay kula soo biiray naadiga ay ku xafiiltamaan horyaalka Serie A ee Juventus.

Depay ayaa haatan ku maqan dhaawac bowdada ah, inkastoo uu kaliya u ciyaaray kooxda Barca 131 daqiiqo saddex kulan oo uu u saftay naadiga, isagoo u dhaliyey kaliya hal gool kulankii ay 3-0 uga adkaadeen Elche bishii September ee horyaalka La Liga.

Ciyaaryahankii hore ee PSV Eindhoven iyo Manchester United ayaa waqti adag ku soo qaatay kooxda uu hoggaamiyo tababare Xavi, isagoo u dhaliyey 14 gool, isla markaana u samaayey labo caawin 41 kulan oo uu u saftay tan iyo markii uu u soo dhaqaaqay Barcelona.

Depay ayaa la filayaa inuu muhiim u noqon doono xulkiisa qaranka Netherlands ee ka qeyb-galaya Koobka Adduunka, waxaana uu qarankiisa u dhaliyey 42 gool 80 kulan oo uu u saftay.

Xulka uu hoggaamiyo Macallin Louis Van Gaal ayaa Koobka Adduunka ku wajahaya Qatar, Ecuador iyo Senegal, waxaana uu ka soo muuqan doonaa dhacdada koobka Adduunka markii ugu horreysay tan iyo markii ay gaareen heerka ugu dambeeya sanadkii 2014-kii.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here