Dab khasaare u geystay xargaha internet-ka ee dul mara buurta Kaliminjaro.

0
170

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Dabka oo ka kacayay buurta Kilimanjaro ee dalka Tanzania, ayaa waxyeelo uu u geystay qaar kamid ah fiilooyinka xargaha internetka, oo saddex bilood kahor lagu rakibay buurtaasi.

Dabkan ayaa lagu soo waramaya inuu waxyeelo u geystay iilo dhererkeedu ka badan yahay 4km, taasoo marta wadada Marangu.

Maamulka Tansaaniya, ayaan wali shaacin inta uu la egyahay khasaaraha ka dhashay dabkaasi.

Burburka fiilooyinkan, ayaa khalkhal galiyay isku xirka internetka meesha ugu sarraysa ee fiilooyinka lagu rakibay, taasoo gaadhaysa joog dhan 3,720m.

Buurtan ayaa ah mida ugu dheer qaaradda Afrika, taasoo dhererkeedu yahay 5,895m oo u dhiganta (19,341 ft).

Dabka ayaa billowday 21-kii Oktoobar, tan iyo xilligaas waxa uu sii qabsanayey meelo badan, iyadoo boqolaal dab-damis ah ay dadaal ugu jiraan sidii ay u xakameyn lahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here