Haweeney 35 jir ah oo noqotay hooyada ugu carruurta badan Nigeria

0
142

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Qaar ka mid ah dadka ku nool gobolka Katsina ee ku yaalla waqooyi-galbeed ee wadanka Nigeria ayaa billaabay inay ugu yeeraan haweeney lagu magacaabo, Hajara Shucaybu, inay tahay haweeneyda ugu dhalmada badan dalkaas, iyadoo ay taasi ugu wacan tahay tirada carruurta ah ee ay dhashay. Dhawaan waxay hooyadaas dhashay shan carruur ah oo isku mar ah.

Haweenaydan ayaa laba jeer ilmo mataano ah dhashay, kaddibna waxay ilmo dhashey sagaal jeer oo markiiba mid kali ah, waxaana ay haatan umushay shan isku mar ah, taasoo tirada guud ee ilmaha ay dhashay ka dhigeysa 18 caruur ah.

Mar ay BBC-da kala hadashay dhalmada ilmaheeda, gaar ahaan shanteeda ilmood ee ugu danbeeyay, ayaa waxay sheegtay inaysan jirin wax isbeddel ah oo ay dareentay ama ay filaysay inay umuli doonto wax ka badan hal cunug.

Waxay intaa ku dartay inaysan u tagin dhakhtar waligeed inta ay ilmaha uurka ku sido, sidaas darteedna ay guriga uga dhaliyaan umulisooyin, kaddibna markii ay umusho la geeyo isbitaalka guud ee Funtua, si loo hubiyo caafimaadkeeda iyo kan ilmaha yar.

Haajara oo ah haweenay xaas ah oo guriga uun iska joogta,  oo aan shaqo iyo ganacsi toona sameyn, ayaa waxay sheegtay inaanay jirin wax ay samayso oo gaar ah iyo wax kale oo ay ku kacdo oo ay carruur badan sidaas ku dhasho.

Waxay tiri, “Waa awoodda Alle, ma cuno wax gaar ah, oo keenaya inaan dhalo ilmo badan.”

Haweeneydan ayaa ka codsatay dowladda iyo dadka kaleba inay ka caawiyaan sidii ay carruurta badan ee ay dhashey u daryeeli lahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here