Hordhac: Shakhtar Donetsk Vs Real Madrid: Los Blancos Oo Rikoodh Fiican Ku Leh Kooxda Ay Martida U Tahay

0
134

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda Real madrid ayaa marti u noqon doonta kooxda Shakhtar Donetsk kulan ka tirsan kulankii 3-aad ee wareega Group-yada tartanka champions League.

Kooxda difaacanaysa champions League ee Real madrid ayaa doonaysa in ay gaadho guusheedii 4-aad oo xidhiidh ah tartanka iyaga oo si raaxo leh ugu fadhiya hogaanka Group-kooda.

Dhinaca kale kooxda Shakhtar Donetsk ayaa doonaysa in ay gaadho guusheedii 2-aa tartanka xilli ay kaalinta 2-aad kaga jiraan Group-ka.

Kulanka: Shakhtar Donetsk Vs Real Madrid

Tartanka: Champions league

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Polish Army Staduim

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kadib markii ay ka badiyeen Real Madrid laabdii kulan ee xilli ciyaareedkii 2020/2021, Shakhtar Donetsk ayaa laga badiyay mid kasta oo ka mid ah 3-dii kulan ee ugu dambaysay ee ay la ciyaaray Real champions League.

3-dii kulan ee hore ee ay Shakhtar Donetsk marti galisay Real madrid champions league waxa ay labada kooxood iska dhaliyeen 14 gool iyada oo Shakhtar Donetsk dhalisay 5 gool halka Real dhalisay 9.

Real Madrid ayaa badisay 5 kulan oo xidhiidh ah champions League ah iyada oo rikoodhkaas bilowday kulankii Semi-final-ka lugtii 2-aad ee ay 3/1 uga badiyeen Man City.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here