Arsenal Oo Dhirbaaxo Kala Kulantay Fasaxa Xulalka, Xiddig Muhiim Ah Ayaa Ka Dhaawacmay.

0
116

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Arsenal ayaa dhirbaaxo kala kulantay fasaxa xulalka kadib markii uu ka dhaawacmay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda ee Thomas Partey.

Partey ayaa ka qayb ahaa kulankii saaxiibtinimo ee uu xulka qarankiisa Ghana la ciyaaray xulka Brazil kulan ka tirsanaa isku diyaarinta koobka adduuna ee labada xul.

Laakiin Thomas Partey ayaa la badalay daqiiqado yar kadib markii ay bilaabatay ciyaarta kadib markii uu dhaawacmay.

Sida laga soo xigtay Rahman osman، Partey ayaa ku dhawacmay tababarkii ka horeeyay kulanka taas oo keentay in uu xanuun dareemo markii ay ciyaartu bilaabatay.

Warkan ayaa dhirbaaxo ku ah Arsenal maadama uu Partey muhiim ka yahay kooxda MiKel Arteta marka la eego in ay Arsenal la ciyaari doonto Tottenham todobaadka dambe.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here