10-ka Xiddig Ee Ugu Mushaharka Badan Sanadka 2022 Oo La Soo Saaray.

0
210

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga kooxda PSG ee Kylian Mbappé ayaa ah xiddiga ugu musharka badan sanadka 2022 ee haatan lagu jiro iyada oo la soo saaray Liiska 10-ka xiddig ee ugu mushaharka badan.

Kylian Mbappé ayaa mushhar ahaan u qaata lacag dhan 125 milyan oo euro sanadkan isaga oo 105 milyan u qaata lacag toos ah halka uu 20 milyan u qaato gunooyin.

Waxa ku xiga xiddiga kooxda Man United ee Cristiano Ronaldo kaas oo sanadkan jeebka ku shubanaya lacag dhan 113 milyan oo euro.

Waxa ku xiga xiddiga Lionel Messi kaas oo qaadanaya lacag dhan 110 milyan oo euro iyada oo uu ku sii xigo xiddiga kooxda PSG ee Neymar kaas oo qaadanaya 91 milyan oo euro.

Waxa kaalinta 5-aad ku jira xiddiga kooxda Liverpool ee Mohamed Salah kaas oo qaadanaya lacag dhan 39.5 milyan euro laakiin waxa uu aad uga dambeeyaa xiddiga Neymar.

Hadaba halkan Hoose Sawrirka kaga bogo 10-ka xiddig ee ugu mushaharka badan sanadka 2022

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here