Ingiriiska oo ay Soo Food-Saartay Khataro Caafimaad.

0
166

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ingiriiska ayaa waxaa soo food-saaray khataro dhinaca caafimaadka iyo nolosha nooleyaasha badda ku jira ah, taas oo ka timid xeebta Faransiiska markii la oggolaaday in qashin sidiisa ah lagu aaso badda woqooyi iyo kanaalka u dhexeeya labada dal, sida ay sheegeen saddex xildhibaan oo ka tirsan Baarlamaanka Yurub.

Digniino laga bixinayo wasaqowga ayaa laga soo saaray inta badan 50 xeeb oo ku yaalla Ingiriiska iyo Wales, kaddib markii roobab xooggan ay keeneen qashin xad dhaaf ah oo loo weeciyay webiyada iyo badda.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here