Casemiro oo sharaxay sababta uu u doonayo in Ronaldo uu sii joogo Man United

0
188

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Laacibkii hore Real Madrid ee Casemiro, isla markaana dhawaan ku biiray Manchester United, ayaa sheegay inuu rajaynayo in Cristiano Ronaldo inuu sii joogo Red Devils, isagoo xusay inuu muhiim u yahay kooxda.

Cristiano Ronaldo ayaa lala xiriirinayay inuu ka tagayo Manchester United xagaagan si uu uga qeyb galo Champions League xilli ciyaareedkan, kaddib markii United ay ku guuldareysatay inay u soo baxdo tartanka.

Haddaba Casemiro ayaa u sheegay shabakada ESPN, inuu doonayo in Cristiano Ronaldo uu sii joogo Manchester United, wuxuuna yiri:

“Waxaan ka hadlaynaa mid ka mid ah ciyaartoyda ugu fiican abid, wuu ogyahay inaan ixtiraamayo isaga in badan.”

“Waxaan rajeynayaa in Cristiano Ronaldo uu nala sii joogo sababtoo ah waa ciyaaryahan weyn. Waa ciyaaryahan kaa caawiya inaad dhaliso goolal badan, waa hogaamiye, wuxuuna leeyahay shaqsiyad gaar ah, aad ayuu muhiim noogu yahay.”

“Waxaan isugu soo dhawaannay luqadda awgeed,”

“Tan iyo maalintii ugu horeysay ee aan halkan imaaday, wax walba wuu iga caawiyay, wax badan ayuu iga caawiyay, run ahaantii waxaan rajeynayaa inuu nala sii joogo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here