Dadka Isticmaala Facebook ee Mareykanka oo hoos u dhacay.

0
165
FILE PHOTO: A 3D-printed Facebook logo is seen placed on a keyboard in this illustration taken March 25, 2020. REUTERS/Dado Ruvic/Illustration

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Daraasad ay samaysay xarunta cilmi-baadhista ee Pew Research ayaa lagu ogaaday in toddobadii sano ee ugu dambaysay inuu hoos u dhacay isticmaalka Facebook ee dhalinyarada Maraykanka ah, iyaga oo taas bedelkeeda u wareegay inay isticmaalaan baraha bulshada ee Youtube iyo Tiktok.

Tiktok oo laga leeyahay dalka Shiinaha ayaa haatan kaalmaha ugu sarreeya kaga jira, baraha bulshada ee ay isticmaalaan dhalinyarada Maraykanka ahi, halka shabakadda Youtube ay tahay goobta ugu badan ee dhalinyaradaasi ay ku wadaagaan muuqaallada iyo macluumaadka ay baahinayaan.

Xogta ay soo bandhigtay Pew ayaa ku soo aadaysa xilli uu isku dayayo mulkiilaha shirkadda Facebook, inuu la yimaaddo aragti uu iskaga dhicinayo shirkadda Tiktok ee kala wareegtay macaamiishiisii baraha bulshada, isaga oo raba inuu ilaashado saamaynta uu leeyahay si uu u helo xayaysiiska uu ka sameeyo balaayiinta dollar.

Warbixinta ay soo bandhigtay Pew Research ayaa lagu sheegay in dhalinyarada la waraystay ay 95% sheegeen inay isticmaalaan Youtube, halka 67% ay leeyihiin Account Tiktok ah.

Kaliya 32% dhalinyarada la waraystay ayaa sheegay inay galaan ama isticmaalaan Facebook.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here