Arsenal Oo War Fiican Ka Heshay Baacsiga Ay Ugu Jirto Lucas Paqueta, Maxaa Cusub?

0
235

Kooxda Arsenal ayaa war fiican ka heshay baacsiga ay ugu jirto saxiixa xiddiga khadka dhexe ee kooxda Lyon ee Lucas Paqueta.

Xiddiga 24 jirka ah ayaa noqday xiddigii ugu fiicnaa Lyon xilli ciyaareedkii hore isaga oo dhaliyay 11 gool sidoo kale caawiye ka noqday 7 kale.

Qaab ciyaareedka xiddiga ayaa soo jiitay kooxda Arsenal kuwaas oo xiiso u qabay saxiixa xiddiga reer Brazil intii uu furnaa suuqa kala iibsiga xagaaga.

Kooxda Lyon ayaa markii hore dalbatay lacag dhan 80 milyan oo euro si ay u iibiso xiddiga khadka dhexe inta lagu jiro suuqa xagaaga taas oo hakad galisay baacsigii ay Arsenal ugu jirtay saxiixa xiddiga.

Laakiin sida laga soo xigtay Media Foot, kooxda Lyon ayaa si weyn hoos ugu dhigtay qiimaha ay ku iibinayso xiddiga kana dhigtay lacag dhan 40 milyan oo euro.

Xiddiga reer Brazil ayaa kooxdiisa ka codsaday in ay iska fasaxdo hadii ay helaan dalab fiican suuqa kala iibsiga xagaagan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here