Cristiano Ronaldo Oo Ka Hadlay Wararka La Xidhiidhinaya Ku Laabashada Sporting Lisbon

0
196

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Weeraryahanka Manchester United Cristiano Ronaldo ayaa meesha ka saaray wararka xanta ah ee la xiriirinayay inuu dib ugu laabanayo Sporting Lisbon.

Kooxda reer Portugal ayaa ka mid ah kooxaha doonaya saxiixa Ronaldo xilli uu Man United ka dalbaday in uu boxo inta lagu jiro suuqa xagaagan.

Ronaldo ayaa yaraantiisii u soo ciyaaray Sporting Lisbon waxana uu u dhaliyay 5 gool 31 kulan oo uu ciyaaray ka hor intii uuna ku biirin Man United sanadkii 2002/2003.

Waxa saacadihii ugu dambeeyay soo baxayay warar sheegaya in uu 37 jirku ku laaban doono kooxda reer Portugal kadib markii baabuurkiisa lagu arkay garoonka tababarka kooxda.

Laakiin xiddiga reer Portugal ayaa warkaas beeniyay isaga oo ku sheegay war been ah.

Inkasta oo uu Ronaldo warkaas beeniyay hadana waxa wali si weyn loo hadal hayaa mustaqbalkiisa iyada oo uuna xiddigu wali tababarka ku soo laaban.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here