Dowladda Tanzania oo baareysa cudur cusub oo dalkaasi ka dilaacay

0
128

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)  Dowladda Tanazania, ayaa sheegtay iney baaritaan ku sameyneyso cudur cusub oo ka dilaacey koonfurta dalkani.

Cudurkan ayaa dadka ku sababaya xumad daran iyo dhiig sanka ka yimaada, iyadoo mararka qaarkoodna uu keeni karo dhimasho.

Madaxweynaha dalka Tanzania, Saamiya Suluxu Xasan, ayaa sheegtay in cudurkani uu haleeley dad fara badan.

Waxey intaa ku dartey madaxweynaha Tanzania, in goobta uu ka dilaacey ay aheyd keyn.
Keymahani markii ay burbureen, ayaa duur joogtii ku nooleyd waxey usoo hayaameen dhanka iyo magaalooyinka, iyagoo haatan dadka ku haya dhibaatooyin

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here