Klopp Oo Ka Hadlay Wararka Liverpool La Xidhiidhinaya Jude Bellingham

0
156

Jurgen Klopp ayaa sharaxaad fudud ka bixiyay sababta ayna Liverpool ula soo saxiixan doonin xiddiga khadka dhexe ee Jude Bellingham suuqa kala iibsiga xagaagan.

Sidoo kale Klopp ayaa sheegay in ayna kooxdiisu la soo saxiixan doonin xiddig khadka dhex ah suuqa kala iibsiga xagaagan isla markaas fursad siin doono xiddigaha kooxda jooga.

Liverpool ayaa la soo saxiixatay xiddigaha Darwin Nunez, Fabio Carvalho & Calvin Ramsey laakiin arintaas ayaan joojin wararka Liverpool la xidhiidhinaya xiddiga Bellingham.

Wax shaki ah kuma jiro in ay Liverpool iyo Klopp taageere weyn u yihiin xiddiga Bellingham waliba xiiso u qabaan saxiixiisa si ay ugu xoojiyaan kooxda.

Markii la weydiiyay haddii Liverpool ay soo iibsan doonto ciyaaryahan khadka dhexe ka hor inta uusan xirmin daaqadda, Klopp wuxuu ku jawaabay: ‘Maya. Taas ayaan odhan karaa. Uma maleynayo inay wax ka dhici doonaan khadka dhexe, laakiin ma ogaan kartid. Haddii qof kuu yimaado oo ku yiraahdo ‘waxaan rabaa inaan tago’…

Klopp ayaa la waydiiyay in lala xidhiidhinayo xiddiga kooxda Dortmund ee Bellingham waxana uu ku jawaabay”Bellingham ma yaalo suuqa waana dhibaatada ugu weyn, sidoo kale waana dhibaatada kale ee xiddigaas”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here