Shirkadda Twitterka oo maalin kasta hawada ka saareysa hal malyan oo ciwaanno been abuur ah.

0
161

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Madaxda shirkadda Twitter-ka ayaa sheegay inay bilaabeen qorshe ciwannada been abuurka looga saarayo Twitter .

Qorshahan ayaa maalin kasta hawada looga saari doonaa  in ka badan 1 milyan oo ciwanno been abuur ah.

Tallaabadan ayaa ku soo aadaysa, ka dib dhaleecayn xooggan oo uga timi maalqabeenka Elon Musk oo doonaya inuu si rasmi ah u dhamaystiro heshiiskiisa uu ku iibsanayo shirkadda Twitterka hase ahaatee wuxuu ka biyo diidsan yahay tirada ciwannada been abuurka ah ee shirkadda u diiwaan gashan.

Elon Musk ayaa  ku cadaadinaya maamulka sare ee shabakadda Twitterka inay Meesha ka saaraan ciwannada been abuurka ah, isagoo ku hanjabay inuu hakinayo inuu dhamaystiro heshiiska iibka hadii wax laga qaban waayo ciwannada been abuurka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here