Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamse Cabdi Barre ayaa 25kii Bishan ay ansixiyeen Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa maanta xilka kala wareegay Ra’iisul Wasaarihii Hore ee dalka Mudane Maxamed Xuseen Rooble.
Munaasabada xilka wareejinta oo ka dhacday Madaxtooyada Qaranka waxaa ka qeyb galay xubnaha golaha Wasiirada dowladda Soomaaliya.
Rooble ayaa sheegay in maanta uu ku faraxsan yahay in uu si nabad ah xilka ugu wareejiyay Mudane Xamse.
Xamse ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu soo dhiso xubnaha golaha Wasiirada cusub si loo dardargaliyo Shaqooyinka muhiimka ah.