Kulan Looga hadlaayay kor u qaadista Ganacsiyada yar-yar Oo Lagu qabtay Baydhabo.

0
180

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aada, ayaa maanta furay kulan wada-tashi ah oo loogga hadlaayey Wada-hadalka Dawladda iyo Ganacsiyada Gaarka ah ee iskaashatooyinka iyo Qeybaha Ururada Ganacsiga kaas oo ka qabsoomay magaalada Baydhabo ee xarunta u ah Dawlad Goballeedka Koonfur Galbeed Soomaaliya, Waxaana halkaas lagu soo bandhigay xor uruurin hore loogga sameeyey ganacsiyada yar-yar ee ka shaqeeya gudaha Baydhabo kuwaas oo diirada lagu saaray siyaabaha loo horumarin karo, caqabadaha jira iyo siddii ay u la jaan-qaadi lahaayeen iskaashatooyinka iyo ganacsiyada yar-yar ee ka jira caalamka.

Barnaamijkan oo ay ka wada-shaqeynayaan Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Soomaaliya iyo hay’adda DAI sidoo kale na uu maal-gelinaayo Midowga Yurub, ayaa ujeedkiisu yahay siddii kor looggu qaadi lahaa iskaashiga u dhaxeeya dhinacyada dawladda iyo ganacsiyada gaarka ah taas oo ahmiyad weyn u leh horumarka dhaqaale ee dalka iyo siddii ganacsatadu ay uga faa’idaysan lahayd awoodooda wax-soo-saar isla-mar-ahaantaana ay qeyb uga noqon lahaayeen suuqyada ganacsi ee caalamka.

Aqoonyahan Khaalid Xasan oo ka socday hay’adda DAI oo halkaas ka hadlay, ayaa sheegay in ujeedka wada-tashigani uu yahay siddii xal looggu heli lahaa caqabadaha soo waajaha iskaashatooyinka iyo guud ahaan ganacsiyada yar-yar isla-mar-ahaantaana loo xoojin lahaa qeybaha ururada ee ganacsiyada gaarka ah.

Agaasimaha Waaxda Ganacsiyada yar-yar iyo kuwa dhaxe Mudane Ibraahim Ciise iyo weli ba sidoo kale Agaasimaha Xidhiidhka goballada ee Wasaaradda Ganacsiga Mudane Axmed Cali oo iyagu na halkaas ka hadlay, ayaa dhankooda halkaas ka hadlay, ayaa iskaashatooyinka ku booriyey siddii ay uga faa’idaysan lahaayeen barnaamijkan isla-mar-ahaantaana ay fikradahooda ugu biirin lahaayeen si xal loogga gaadho caqabadaha jira.

Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Dawlad Goballeedka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Mudane Ibraahim Aadan Cali oo isagu na halkaas ka hadlay, ayaa si weyn u soo dhaweeyey barnaamijkan, waxaana uu tilmaamay in shacabka Koonfur Galbeed ay yihiin dad ku wanaagsan dhinacyada wax wada-qabsiga iyo ganacisga ba isla-mar-ahaantaana uu rajeynaayo in talooyinka ugu wanaagsan ay ka gaysan doonaan si ay horumar uga gaadhaan dhinaca ganacsiga.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha XFS Mudane Cabdicasiis Ibraahim Aadan oo kulanka furay, ayaa wuxu si faah-faahsan uga xog waramay ahmiyadda uu lee yahay barnamaijkani iyo weli ba sidoo kale sida ay ka dawlad ahaan mudnaanta u siinayaan dawladaha xubnaha ka ah dawladda dhexe si loo heli siyaasado iyo shuruuc lagu horumarin karo iskaashatooyinka iyo guud ahaan ganacsiyada gaarka ah si ganacsatadu ay qeyb uga noqon karaan suuqyada caalamka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here