Barcelona Oo La Liga Ku Eedaysay Fashilka Heshiiska Ay Man United Kala Gaadhi Laadahay Frenkie de Jong.

0
188

Barcelona ayaa ku eedaysay caqabadaha dhaqaale ee ay La Liga ku soo rogtay iyaga oo diiday dalabkii furitaanka ee Manchester United ee Frenkie de Jong.

Red Devils ayaa la rumaysanyahay in laga diiday dalab 60 milyan ah oo ay ku doonaysay xiddiga khadka dhexe inkasta oo ay diyaar u yihiin in ay iibiyaan xiddiga reer Netherland.

Barcelona ayaa diiday in ay hoos u dhigto qiimaha 100 milyan ee ay ku qiimayso sabab la xidhiidha caqabado dhaqaale oo uu ku soo rogay xidhiidhka La Liga.

Wadahadalada labada kooxood ee ku aadan saxiixa xiddiga ayaa wali socda laakiin Barcelona ayaa diidan in ay hoos u dhigto qiimaha ay ku qiimayso xiddiga.

Barcelona ayaa dhigeeda Man United u sheegtay in sababta ayna hoos ugu dhigi karin qiimaha xiddiga ay tahay caqabadaha dhaqaale ee uu La Liga ku soo roga kooxda.

Man United ayaa xiddiga Frenkie de Jong ka dhigatay bartilmaameedkeeda 1-aad ee suuqa xagaaga iyada oo uu Tababare Erik Ten Hag doonayo in uu xiddigii hore ee Ajax kula midoobo Old Trafford.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here