Markab xoolo ka qaadayey deked ku taalla Sudan oo degey

0
207

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Markab si xad dhaaf ah loo raray oo siday xoola nool ayaa ku degey dekedda ku taalla badda cas ee Sawakin ee dalka Sudan.

Saraakiisha dekedda ayaa ku guulaystay inay soo badbaadiyaan shaqaalihii markabkaas,iyadoona markabkan ay saarnayeen Ido.

Markabkan oo ahaa nooca xoolaha lagu dhoofiyo ayaa ka ambabaxayey dalka Sudan isaga oo ku sii jeeday dalka Sucuudiga, waxaana la sheegay in uu degey, kadib markii la saaray dhowr kun oo neef oo dheeri ah oo ka badan xadkii ay ahayd in uu qaado.

Saraakiil ka tirsan dowladda Suudaan ayaa sheegay in markabka loogu talo galay inuu qaado oo keliya 9,000 oo neef, basle in ka badan la saaray taasina ay keentay inuu dego.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here