Haaland Oo Markii Ugu Horaysay Lagu Sawiray Maaliyada Man City.

0
380

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kooxda Man City ayaa u muuqata kuwo isku diyaarinaya in ay saxaafada u soo bandhigaan saxiixooda cusub ee Erling Haaland.

Man City ayaa saxiixa Haaland ku dhawaaday markii uu dhamaaday xilli ciyaareedkii hore iyada oo ka dhigtay saxiixeeda ugu horeeya.

Laakiin Man City ayaan ilaa haatan soo bandhigin saxiixa xiddiga iyada oo uu ku maqnaa waajibaadka xulka qarankiisa.

Haaland ayaa xalay si Rasmi ah u dhamaystay waajibaadka xulka qarankiisa waxana ay u muuqataa in ay Man City haatan diyaarinayso soo bandhigista xiddiga.

Waxa baraha bulshada laga helay sawiro muujinaya in uu Haaland galayo sawiradii lagu soo bandhigi lahaa waxana la soo dusiyay hal sawiro oo ka mid ah.

Waa markii ugu horaysay ee Haaland lagu arko maaliyada kooxda Man City tan ilaa markii lagu dhawaaqay heshiiska uu ugu biirayo kooxda Citizen.

Image

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here