Dad badan oo si farsameysan lacago looga dhacay.

0
171

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Shirkadda Bitstream Circle ah oo ay nashqadeeyeen nin Kenyan ah iyo nin u dhashay dalka Shiinaha ayaa lacago badan oo dhan 1 bilyan oo shilinka kenya lunsatay kadib markii dad badan oo u dhashay dalkaasi ay maalgashadeen.

Shirkadda, oo ballan qaadday inay qofka u soo celin doonto faa’iido maalinle ah oo ah shan ilaa 10 boqolkiiba ee qaddarka la geliyey, ayaa markii ugu horeysay internetka kasoo muuqatay Diisambar 7, 2021.

Shirkadda ayaa si lama filaan ah looga waayay intarneedka, Shabakadeeda iyo App-keeda mobilada lama heli karin iyo sidoo kale boggeeda Telegram-ka.

Dad ku nool waddamo badan ayaa sidan oo kale lacago badan ku waayay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here