Mikel Arteta Oo Aad Uga Xanaaqsan Maamulka Kooxda & Gabriel Jesus Oo Sabab U Ah

0
197

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Tababaraha Kooxda Arsenal ee Mikel Arteta ayaa lagu soo waramayaa in uu ka xanaaqsan yahay maamulka kooxdiisa kadib markii ay soo baxay warar sheegaya in ay Arsenal ku dhawdahay in ay Lumiso bartilmaameedka 1-aad ee tababaraha Gabriel Jesus.

Arteta ayaa Jesus ka dhigtay bartilmaameedkiisa 1-aad ee suuqa xagaaga si uu ugu xoojiyo weerarka kooxda xilli ciyaareedka dambe.

Laakiin Chelsea ayaa u muuqata in ay si dhab ah u doonayso saxiixa xiddiga isla markaas ku garaaci karta saxiixiisa kooxda Arsenal.

Sida laga soo xigtay Daily Mail, Mikel Arteta ayaa ka xanaaqdan in ayna kooxdu wali dhamaystirin saxiixa xiddiga taasna keeni karto in ay kooxo kale galaan tartankiisa.

Arsenal ayaa ugu cad-cadayd saxiixa xiddiga markii hore laakiin waxa ay haatan halis ugu jirtaa in ay waydo sabab la xidhiidha in ay chelsea u soo bandhigayso champions League.

Gunners ayaan wali samayn wax saxiix ah oo weyn suuqa xagaaga inkasta oo uu suuqa kala iibsigu si Rasmi ah u furmay shalay oo jimce ahayd.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here