Bukayo Saka Oo Xaqiijiyay Halka Uu Ka Ciyaari Doono Xilli Ciyaareedka Dambe.

0
146

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Xiddiga Bukayo Saka ayaa u muuqda mid sii joogi doona kooxda Arsenal inkasta oo uu xiiso ka helayo kooxaha Man City iyo Liverpool.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya in labada kooxood ee ugu fiican premier League sanadihii ugu dambeeyay ayaa xiiso u qaba saxiixa xiddiga reer England oo galay labadii sano ee ugu dambeeyay ee heshiiskiisa Arsenal.

City iyo Reds ayaa doonaysa in ay xiddiga kala soo wareegaan Arsenal waliba siiyaan fursad uu kaga qayb gali karo tartanka champions League.

Laakiin Saka ayaa sheegay in uu sii joogi doono kooxda Arsenal xilli ciyaareedka dambe isla markaas fariin u diray taageerayaasha kooxdiisa.

Saka oo ku guulaystay xiddiga ugu fiican Arsenal ayaa yidhi”Taageerayaasha Arsenal, waad ku mahadsantihiin in aad ii doorataan xiddiga ugu fiican xilli ciyaareedka mar kale”.

“Runtii sharaf ayay ii tahay in aan kooxdan u ciyaaro waliba waxa aan doonayaa in aan koobab kula guulaysto, runtii waan dareemayaa jacaylkiina”.

“Waa inoo xilli ciyaareedka dambe”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here