Tobanaan ruux oo ku dhintay Isbuurasho ka dhacday Nigeria.

0
364

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Ugu yaraan 31 qof ayaa ku dhintay todobo kalena waa ay ku dhaawacmeen isbuurasho ka dhacday kaniisad ku taal koonfurta Nigeria magaalada Port Harcourt, sida uu sheegay booliisku.

Boqolaal qof oo isugu soo baxay inay cunto ka helaan kaniisada subaxnimadii sabtida ayaa soo buux dhaafiyay albaabka, taas oo sababtay is jiid jiid, sida u sheegay afhayeenka booliska ee gobolka Rivers.

Isbuurashada nuucan oo kala ah ayaa inta badan ka dhaca garoomada kubadda cagta iyo meelaha kale ee dadka ay ku badan yihiin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here