Hordhac: Real Madrid Vs Liverpool.

0
320

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi)Kulanka ugu xiisaha badan xilli ciyaareedkan ee sida weyn looga sugayay qaarada yurub ayaa caawa dhex mari doona kooxaha Liverpool iyo Real Madrid.

Kulanka oo ah kulan ka tirsan champions League ayaa ka dhici doona caasimada Paris iyada oo ay labada kooxood isha ku hayaan ku guulaysiga koobka champions League.

Kooxda Liveprool ayaa kulanka soo galaysa iyada oo isha ku haysa ku guulaysiga koobka tatanka champions League markii 7-aad ee taariikhdooda.

Dhanka kale kooxda Real Madrid ayaa kulanka soo galaysa iyaga oo isha ku haya ku guulaysiga koobka tartanka champions League markii 14-aad ee taariikhdooda.

Kulanka: Real Madrid Vs Liverpol

Tartanka: Champions League

Wakhtiga: 10:00

Garoonka: Stade de France

XAQIIQOOYINKA KULANKA:

Kulankan ayaa noqon doona midkii 9-aad ee dhex mara kooxaha Real Madrid iyo Liverpool tartamada yurub, kadib markii ay badisay 3-dii kulan ee intii u dhexaysay 1981 iyo 2009, Liverpool ayaan badin 5-tii kulan ee ugu dambaysay 4 guuldaro iyo hal bar-baro ayay la kulantay.

Liverpool iyo Real Madrid ayaa markii 3-aad ku kulmi doona Final yurub ah waana labada kooxood ee ugu badan ee ku kulma final, Liverpool ayaa badisay Final-kii ugu horeeyay ee 1981 halka ay Real Madrid badisay Final-kii 2-aad ee 2018.

Liverpool ayaa isha ku haysa ku guulaysiga champions League markii 7-aad ee taariikhdooda, guul ay ka gaadho Real-na waxa ay kala bar-bar dhigaysaa Ac Milan oo ku guulaystay 7 waxana ay ka dambayn doontaa kaliya Real Madrid oo 13 ku guulaystay koobka.

Real Madrid ayaa isha ku haysa ku guulaysiga champions League markii 14-aad ee taariikhdooda, taas oo noqon doonta in ay laba jibaar ka badisay kooxaha kale, Dhanka kale Real Madrid ayaa ku guulaystay koobka mid kasta oo ka mid ah 7-dii sano ee ugu dambeeyay ee ay gaadheen final-ka champions League iyada oo kooxdii ugu dambaysay ee Real ku garaacday Final ahayd Liverpool sanadkii 1981 kulan lagu qabtay Paris.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here