Xanuunka Furuqa Daanyeerka oo walaac hor leh ka abuuray UK

0
312

Dhaqaatiirta ayaa ka digay in xanuunka Furuqa Daanyeerka uu “saameyn ballaaran” ku yeelan karo adeegyada caafimaadka taranka iyo dadka u baahan intaba.

Xarumaha caafimaadka ayaa ku qasbanaada inay shaqaalahooda ku soo rogaan karantiil, haddii ay la macaamilaan qof qaba xanuunka.

Gudaha London, oo in ka badan 20-ka kiis ee Britain lagu arkay laga diwaan geliyay, ayaa xarumaha caafimaadka taranka waxay dadka ka mamnuuceen inay soo galaan xaruntaas.

Ururka Caafimaadka Taranka iyo HIV ee Britain ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin saameynta caabuqyada kale.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in kiisaska Furuqa Daanyeerka, oo badankood ah kuwo aan darneyn, ay aad ugu yar yihiin Bartamaha iyo Galbeedka Afrika balse ilaa 80 kiis laga diwaan geliyay ugu yaraan 12 dal.

Caabuqan ayaa markii hore laga soo sheegay dalalka Talyaaniga, Sweden, Spain, Portugal, Mareykanka, Canada, iyo sidoo kale Britain, oo ah meeshii ugu horreysay Yurub ee kiiska laga helo.

WHO ayaa sheegtay in ilaa 50 kale oo kiis la baarayo.

Furuqa daanyeerka ayaa ku faafi kara marka qof uu la macaamilo qof qaba. Fayraska ayaa jirka ka gala meelaha dhaawaca ah, ama indhaha, sanka iyo afka.

Cudurkan hore looguma sheegin inuu ku faafi karo galmada, balse waa lagu kala qaadi karaa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here