Kooxda Real Madrid oo xiiseynaysa inay xagaagan la saxiixato Ilkay Gundogan

0
358

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa lagu soo warramayaa inay xiiso u qabto ciyaaryahanka khadka dhexe ee Manchester City, Ilkay Gundogan oo ay keenaan Bernabeu inta lagu guda jiro suuqa kala iibsiga xiddigaha ee xagaagan.

Mustaqbalka 31-sano jirkaan ayaa haatan ah mawduuc aad loo hadal hayo, iyadoo qandaraaskiisa garoonka Etihad uu ku eg yahay bisha June ee soo aaddan.

Warbixin dhowaan soo baxday ayaa lagu sheegay in Citizens aysan qorsheyneynin inay qandaraaska u kordhiso xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka, taasoo keeni karta inay iibiso xagaagan, iyadoo Barcelona iyo Arsenal ay labaduba sidoo kale doonayaan saxiixiisa inta lagu guda jiro suuqa soo socda.

Si kastaba ha noqotee, Suxufiga dhanka ciyaaraha wax ka qora ee Ekrem Konur ayaa warinaya in xiddigan uu sidoo kale xiiso ka helayo Real Madrid, iyadoo Kooxda Tababare Carlo Ancelotti ay u aqoonsatay Gundogan inuu yahay bartilmaameedka ugu horreeya suuqa xagaaga.

Xiddigan reer Jarmal waxa uu u saftay Citizens 42 kulan dhammaan tartammada xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay siddeed gool, waxaana uu sameeyey lix caawin.

Gundogan ayaa dhaliyey lix gool sidoo kale caawiyey saddex kale 26 kulan oo uu saftay horyaalka Premier League xilli ciyaareedkan, halka uu sidoo kale labo caawin ka sameeyey 10 kulan oo uu ciyaaray Champions League.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here