Bukayo Saka Oo Hal Shardi Ku Xidhay In Uu Heshiis Cusub U Saxiixo Arsenal

0
323

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Xiddiga garabka uga ciyaara kooxda Arsenal ee Bukayo Saka ayaa hal shardi ku xidhay in uu heshiis cusub u saxiixo kooxda Arsenal.

Xiddiga ka soo baxay Akademiyada Arsenal ayaa soo bandhigay qaab ciyaareed cajiib ah xilli ciyaareedkan waxana uu dhaliyay 11 gool halka uu caawiye ka noqday 6 kale 37 kulan oo uu ciyaaray.

Gunners ayaa aqoonsatay qaab ciyaareedka xiddiga 20 jirka ah waxana ay doonaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixato laakiin wargayska Daily Mail ayaa sheegaya in uu Saka shardi ku xidhay heshiiska cusub.

Wargayska ayaa sheegaya in uu Saka maamulka Arsenal u sheegay in uu doonayo in lacag lagu bur-burin karo heshiiskiisa lagu xidho si uu qalinka ugu duugo heshiis cusub.

Saka ayay 12 bilood uga dhimantahay heshiiskii uu saxiixay sanadkii 2020 waxana ay kooxdu doonaysaa in ay heshiis cusub ka saxiixato xiddiga.

Laakiin Saka ayaa doonaya in heshiiskiisa lagu xidho lacag lagu bur-burin karo maadama uu doonayo in uu ka ciyaaro champions League isla markaas uuna doonayn in uu sanado badan sii joogo kooxda hadii ayna kooxdu ka ciyaarayn tartanka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here