Koox weyn oo Yurub ah oo ku adkaysanaysa inay gacanta ku dhigto saxiixa Mané xagaagan

0
206

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Wariyaha reer Jarmal ee Florian Plettenberg ayaa shabakada Sky Sport u xaqiijiyay in Sadio Mane uu yahay bartilmaameedka ugu horeeya ee waqtigan ee kooxda Bayern Munich suuqa kala iibsiga xagaaga soo socda.

Sadio Mané ayaa dhawaanahan lala xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo kooxda Bayern Munich, weriyaha ayaa shalay warbixin uu qoray ku sheegay in Bayern ay indhaha ku heysay xiddiga heerka caalami ee dalka Senegal, ayna u dhaqaaqday inay xaqiijiso.

Florian Plettenberg oo ka tirsan shabakada Sky Sport ee dalka Germany ayaa ku soo qoray bartiisa Twitter-ka:

“Sida la sheegay lana xaqiijiyay haatan, agaasimaha ciyaaraha ee Bayern Hasan Salihamidžić waxa uu doonayaa in uu la soo wareego Mane, waxa uu ku jiraa lambarka 1-aad ee liiskiisa suuqa xagaaga.”

Qandaraaska Sadio Mane ee Liverpool wuxuu dhacayaa June 2023, welina lama cusboonayn, sidaas darteed Reds waxay halis ugu jirtaa inay si bilaash ah ku weyso sannadkaas haddii aysan iibin xagaagan, laakiin mudnaanta Reds ayaa ah inay qandaraaska u cusbooneysiiso.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here