Inter Milan oo ku guuleysatay Coppa Italia kaddib markii ay ka adkaatay Juventus

0
357

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Inter Milan ayaa ku guuleysatay Coppa Italia kaddib markii ay kaga adkaatay Juventus 2-4, kulankii finalka ahaa ee caawa lagu ciyaaray garoonka Stadio Olimpico, waana markeedii 8-aad taariikhda.

Qeybta hore ee ciyaarta ayaa lagu kala nastay 0-1 ay ku hoggaamineysay kooxda Inter Milan.

Daqiiqadii 6-aad Inter Milan ayaa hoggaanka u qabatay ciyaarta waxaana 0-1 ka dhigay Nicolò Barella, kaddib markii ay caawin kaga timid Marcelo Brozović.

Qeybta labaad ee dheesha marka dib leysugu soo laabtay labada dhinac ayaa waxay soo bandhigeen qaab ciyaareed aad u wanaagsan, iyagoo sameeyay fursado badan ee goolal loo filan karay.

50 daqiiqo marka ay dheesha mareysay Juventus ayaa dhalisay goolka barbardhaca, kaddib markii uu 1-1 ka dhigay Álvaro Morata oo ay caawin kaga timid Alex Sandro.

Daqiiqadii 53-aad Juventus ayaa la wareegtay hoggaanka dheesha kaddib markii uu 2-1 ka dhigay ciyaarta laacibkooda Dušan Vlahović.

80 daqiiqo marka ay ciyaarta mareysay Inter Milan ayaa loo dhigay rigoore waxaana gool u badelay xiddigooda khadka dhexe ee Calhanoglu, dheesha ayaa sidaas ku noqotay barbardhac 2-2 ah.

90-ka daqiiqo ee ciyaarta loogu tala galay ayaa waxay ku dhammaatay barbardhac 2-2 ah, waxaana lagu daray waqti dheeri oo 30 daqiiqo ah.

Daqiiqadii 99-aad Inter ayaa loo dhigay rigoore waxaana 2-3 ka dhigay ciyaarta Ivan Perišić.

102 Ivan Perišić oo ay caawin kaga timid saaxiibkiis Federico Dimarco ayaa wuxuu dheesha ka dhigay 2-4 ay ku hoggaamineysay kooxda Inter Milan.

Ugu dambeyntii ciyaarta ayaa ku dhammaatay 2-4 ay kaga adkaatay Inter Milan, kooxda Juventus kulankii finalka ahaa ee caawa lagu ciyaaray garoonka Stadio Olimpico, Bianconeri ayaa loo caleemo saaray koobka Coppa Italia.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here