Pep Guardiola Oo Ka Hadlay Wararka Kooxdiisa La Xidhiidhinaya Erling Haaland.

0
185

Erling Haaland ayaa u muuqda mid qarka u saaran in uu ku biiro kooxda Man City.

Mustaqbalka xiddiga reer Norway ayaa u muuqda mid xalismi doona iyada oo la filayo in uu todobaadkan noqdo xiddi Man City ah.

Wararka ayaa xitaa sheegaya in uu ku baasay tijaabada caafimaadka kooxda Man City haatana dhimantahay kaliya in lagu dhawaaqo heshiiska xiddiga.

Tababaraha Kooxda Man City ee Pep Guardiola ayaa wax laga waydiiyay wararka xiddiga Haaland la xidhiidhinaya kooxda Man City intii uu ku jiray shirkii ka horeeyay kulanka Wolves.

“Qof walba waa ogyahay xaalada”ayuu yidhi tababaraha Man City markii wax laga waydiiyay xiddiga Haaland.

“laakin kama hadli karo sababta oo ah kama hadli karo mustaqbalka, Dortmund iyo Man City waxay ii sheegeen inaanan waxba odhan karin ilaa heshiiska la dhameeyo”ayuu sii raaciyay.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here