Liverpool Oo Isha Ku Haysa Rikoodh Taariikhi Ah Premier Legaue Kulanka Aston Villa Ee Caawa.

0
246

Liverpool aya isha ku haysa in ay jabiso rikoodh taariikhi ah oo ka yaala Premier League marka ay caawa la ciyaari doonaan Aston Villa.

Kooxda Klopp ayaa marti u noqon doonta kooxda uu hogaamiyo Steven Gerrard kulan ka dhici doona garoonka Villa Park.

Reds ayaa kulanka soo gali doona iyaga oo isha ku haya in ay guul gaadhaan kulanka caawa si ay cadaadiska ugu sii hayaan kooxda hogaaminaysa horyaalka ee Man City.

Liverpool ayaan wax guuldaro ah kala kulmin kooxaha ku jira qaybta hoose ee kala saraynta premier League xilli ciyaareedkan iyaga oo badiyay dhaman 18-kii kulan ee ay la ciyaareen kooxaha ku jira booska qaybta hoose ee kala saraynta isla markaas dhaliyay 52 gool lagana dhaliyay kaliya 4 gool.

Hadii ay Liverpool caawa guuldaro la’aan kala baxdo kulanka waxa ay noqon doontaa kooxdii 2-aad ee taariikhda premier League 100 dhibcood ka hela kooxaha ku jira qaybta hoose ee kala saraynta horyaalka premier League xilli ciyaareed kaliya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here