Turkiga iyo Sacuudiga oo ka wada hadlay xoojinta xiriirka labada dal.

0
395

Baydhowy( Raathiyow Arlaathi) Madaxweynaha Turkiga Racip Tayip Erdogan oo kulan la yeeshay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya wuxuu sheegay inuu doonayo in la soo celiyo iskaashiga dhaqaale ee labada dal u dhaxeeyoey.

Erdogan wuxuu sheegay Ankara iyo Riyadh labaduba iney ka go’an tahay iney wanaajiyeen xiriirkooda sanadihi u dambeeyey xumaa.

Erdogan oo booqashadi uu ku joogay Sacuudiga soo gabagabeeyey oo warfidiyeennada la hadlay xilli uu diyaarad sii saarnaa wuxuu sheegay labada dhinac iney isku afgarteen iney ka wada shaqeeyaan danaha ay ka mideysan yihiin iyo amniga gobolka.

Booqashada labada maalmood uu Erdogan ku joogay SAcuudi CArabiya wuxuu kulammo uu la qaatay Boqorka Sacuudiga Salmaan bin Cabdilcaziiz, dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudi Carabiya Maxamed bin Salmaan iyo mas’uuliyiin kale.

Xiriirka labada waddan ayaa xumaa tan iyo markii sanadkii 2018-kii gudaha qunsuliyada dalka Sacuudiga ee Turkiga lagu dilay Wariye Jamaal Khashoggi.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here